Ångbastu i upplevelsen är tillfälligt stängd.

Vi jobbar med att öppna bastun så fort som möjligt.

Luqad

Ku soo dhawaw Navet, meel lagu dabaasho oo casri ah, bartamaha badhtanka Umeå. Waxaan
sannadka oo dhan, dhammaan u soo bandhigeynaa dabaal, jimicsi iyo waxyaabo la xasuusto.

Meel dabaal oo la wada leeyahay

Navet waxaa ka jira berkado kala duduwan oo badan iyo hawlo kala duduwan oo xiiso leh oo loogu tala galay carruurta iyo dadka waaweyn labada. Halkan waxaa ku yaalla berkad 50 mitir ah oo leh meel weyn oo dabaal iyo tababarasho. Meesha dabaasha xasuusta leh waxaad ka heleysaa meelo kusoo jiidanaya oo xiiso leh, waxaa ka mida laba meelood oo waaweyn oo meel tubbo camal ah loo sii dhex marayo berkadda. Waxan xitaa leenahay maqaayad noo gaar ah iyo dukaan.

Ku tababaro Navet

Waxaanu soo bandhigeynaa kulamo tababar oo kala duwan oo dhawr heer leh. Halkan waxaa ka mid ah waxyaabaha aad tijaabi kartid tababar-biyo, yooga iyo tababar orod.  Halkan qof walba waxbuu ka helayaa!

Dugsiga dabaasha

In dabaasha la yaqaanno waa cilmi aan la qiyaasi karin muhiimaddiisa oo lagu faraxsanaanayo nolosha oo dhan. Navet waxaanu carruurta iyo dadka waaweynba u soo bandhigeynaa dugsi-dabaal. Dugsiga dabaasha waxaa
wadaya tilmaamayaasheenna khibradda leh, mar kastana kooxuhu waa ay yaryaryihiin si kaqeybgale kasta u helo taageeraduu u baahanyahay.

Helitaan ahaan

Navet waxay ahaaneysaa meel la wada leeyahay. Guriga dabaasha waxaa sidaa darteed loo qaabeeyay in uu kuu furnaado adigaaga naafada ah. Waxaa jira tusaale ahaan dhawr nuuc oo qalab caawimaad ah oo aad isticmaali kartid. La xiriir soo dhaweynta wixii warbixin dheeraada ah ama sii akhriso Swiidhish ama Ingiriis.

Waqtiyada meeshu furantahay

Navet waa ay furantahay maalin kasta sannadka oo dhan.

Waqtiyada caadi ahaan ay meeshu furantahay

Isniin-jimco

6-21

Sabti-axad

8-21

Fiiro gaara u lahaw in furitaanno kuwan ka duwan imaan karaan, tusaale ahaan kuwa la xiriira maalmaha fasaxa.

Qiimaha

Qiimaha ka fiiri Swiidhish ama Ingiriis.

Fiican in booqaduhu ka fikiro

  • Xasuusnaaw in adigaaga weyn uu mar walba xil kaa saaranyahay in aad isha ku haysid canugga kula socda.

  • Canuggi doonaya in uu dabaasho iyada oo aanu qof weyn la socan waa in uu ahaadaa ugu yaraan 12 sano yaqaannaana dabaasha. ‘’Qof weyn uu la socdo’’ waxaa loola jeedaa qof weyn oo ugu yaraan jira 18 sano, yaqaanna dabaal, gashanna dharka dabaasha.

  • Waa muhiim in aan guriga dabaasha lagu dhex ordin- waad ku siiban/sibxankartaa oo ku dhaawacmi kartaa.

  • U foojignaw tabbeellayaasha guriga dabaasha gudihiisa.

  • Si elekteroonik ah ayaad armaajada ugu xireysaa jijinta lagu deyminayo marka aad dhiibtid lacagta gelitaanka. Ma u baahnid in aad soo qaadatid quful. Xasuusnaw in adiga naftirkaagu aad masuul katihid waxyaabahaaga.

  • Navet waa guri dabaal oo aan lacag kaash ah qaadannin.

Qubeyso dabaasha ka hor

Waa muhiim in mar walba si fiican loo qubeysto dabaasha ka hor, iyada oo aan la gashaneyn dharka dabaasha. Sidoo kale xasuusnaaw in aan dharka dabaasha hoostiisa la ogolayn in sitto kastuumooyin. Taas waxaa looga gol leeyahay in aanu nadaafadda biyaha dhawri karno iyo in aanu inta suurta gal ah u abuurno booqadayaasha oo dhan waxyaabo xasuus u leh.

Waxaanu kuu rejeyneynaa booqasho wacan!